Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Boosaaso iyo faah faahin laga helay

Ciidamo ka tirsan laamaha amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay Xaafado ka tirsan gudaha Magaaladaas.

Ciidamada ayaa howlgal la fuliyay intiisa badan Suuqa Boosaaso, waxaana inta uu socday lagu soo qabtay 8 ruux oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, kuwaasi oo xiliga la soo qabanayay watay hub iyo saanad kale oo ay ku jiraan Bastoolado iyo Qoryo.

Qof  kamid ah dadka ku sugan Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay inta uu socday howlgalka laga sameeyay Suuqa iyo xaafadaha ku teedsan in gabi ahaan la xiray Suuqa Boosaaso, balse markii uu dhamaaday howlgalka dib loo furay.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Boosaaso oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in Sarkaalka u hogaaminayay ragga lasoo qabtay uu kasoo jeedo Soomaaliland uuna baxsaday, hayeeshee ay ku raadjoogaan Ciidamada.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo loo geystay Mas’uuliyiin kala duwan iyo Ciidanka amniga Magaaladaas, waxaana Mas’uuliyada falalkaas sheegtay Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media