Dhageyso:-Hakad ku yimid Howlaha Xajka iyo Cumrada iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo ka hadashay

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federalka ayaa maanta shir’jaraaid oo ay ku qabteyn Magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadlay arrimaha hakad la sheegay in uu kuyimid howlaha fulinta qorshaha xajka iyo Cimrada,kadib markii Wasaarada Owqaafta iyo Diinta markii ugu horeysay lasoo wareegtay maareynta Xajka iyo Cimrada.

Xildhibaanada ayaa sido kale soo jeediyay in in Shirkadaha diyaaradaha fursado isku mid ah loo wada siiyo howlaha Xajka iyo Cimrada,taa ayaana kamid aheyd waxyaabaha lagu dhaliilayay Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta.

Xildhibaan Craxmaan Xaaji Aadan ibi ayaa baaq u diray Madaxda dalka kaa oo la xiriira in wasaaradu ay ku baraarujiyaan sidii horay loogu sii socon lahaa dhameystirka howlaha xajka

Xildhibaan C/casiis dhagaqoo ayaa dhankiisa isna sheegay in tahay markii ugu horeysay oo ay wasaarada Awqaafta iyo arimaha Diinta lasoo wareegto  howlaha maareynta xajka iyo cimrada,waxaana uu sheegay in ay jirtay sinaan la aan shirkada diyaaraha ee arimaha xajka

Xasan Khaliif Xasan oo kamid ah lataliyaasha Wasaarada Owqaafta iyo diinta ayaa ka jawaabay eedeyn wasaraada ay wajaheyso ee ah in uu hakad galay qorshihii xamlaadka xajka.

Waxa ay umuuqataa in muran uu ka jiro qorshaha sinaanta shirkaha ka shaqeysanaya arimaha Somalida Sacuudiga u tagaya Xadja iyo Cimrada,wasaarada waxa ay sameynaa hanaan shirkadaha ay ku tartamayaan.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Xildhibaannada iyo lataliyaasha Wasaarada Owqaafta iyo diinta.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media