Wasiirka Wasaarada Caafimadka Soomaaliya ayaa ka hadashay Shirkadaha dalka keena Caanaha,iyo qorshaha uga degsan,kadib markii ay sheegtay in Caruurta Cabto ay dhibaato kala kulmaan.
Fowziya Abiikar Nuur,Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa sheegtay in  Caanaha Booraha Wadanka la keeno ay yareeyeen in Hooyada ay Naaskeeda Nuujiso Cunugeeda taasna ay dhibaato tahay.
Waxa ay sheegtay in qorshaha ay u dejisay keenista Caana Booraha ay Wasaaradu diyaarisay,dhawaana ay hjorgeuyn doonto Golaha Wasiirada Soomaliya si ay u ansixiyaan.
Waxa ay hadalkeeda intaas ku dartay in Caruurta qaarkood ay cuduro kala duwan ka qaadaan Caanaha oo qaarkood aan aheyn kuwo tay leh,tas bedelkeedana loo baahan yahay in ay bataan Hooyooyinka Caruurtooda ku koriya Naaska.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Caafimaadka