Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa looga yeeray Wariyeyaasha ka howlgala gudaha Magaalada Muqdisho iyo kuwa Caalami ah ee dibadda ee ku sugan dalka.
Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in uu shir jaraa’id ku qaban doono hoolka shirarka agaasimayaasha ee Wasaaradda Saacada markii ay tahay 2:00 PM (Duhurnimo).
Hayeeshee lama faahfaahin Ujeedka Shirka jaraa’id ee uu qaban doono Wasiir Cawad.
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda si rasmi ah loogu shaaciyay in uu jiro Shirka Jaraa’id.
“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, waxa uu ku qabanayaa shir jaraa’id 2:00 pm (Duhurnimo) hoolka shirarka agaasimayaasha ee Wasaaradda .
Weriyeyaasha kuwa gudaha iyo dibadda waxaa laga codsanayaa inay yimaadaan si ay u tebiyaan”ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Wasaaradda.