Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo lagu aasay Muqdisho

Allaha u naxariistee wariye Sagal Salaad Cusmaan oo ay Shalay ku dilen koox hubeysan degmada Hodan ayaa Maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa u shaqeyn jirtay warbaahinta dowlada Soomaaliya waxaana shalay lagu toogtay agagaarka Jaamacada Plasma.

Ururka Suxufiyiinta NUSOJ ayaa si kulul u cambaareeyay dilka Wariyaha,Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah Xoghayaha NUSOJ ayaa ku soo qoray bartiisa Twitterka in NUSOJ ay si xoogan u cambaareyneyso dilkasi.

Sido Kale xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM ayaa cambaareeyay dilka Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo shalay lagu dilay Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor