Dhageyso:Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo ka hadlay bisha Ramadan iyo Tartanka radio Dalsan

Wasiiro ka tirsan xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed kala hadlay radio Dalsan iyaga oo ugu hambalyeeyay dhalashada bisha barakeysan ee Ramadan.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed cabdullahi Xasan Nuux oo kamid ah wasiiradasi ayaa marka ugu horeysa ugu hambalyeyay isaga oo u rajeyay in bishan ay noqotay bil warbaaqo iyo baraare ah.

Waxa uu Dalsan uga mahadceliyay sido kale tartanka degmooyinka dalka oo ay qabaneyso Dalsan,isaga oo sheegay in ay wanaagsan tahay in aqoon lagu tartamo.

Sido kale Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda Axmed Cali Kadiye ayaa marka hore Dalsan ugu hambalyeyay qaban qaabinta tartan aqooneedka ay ku tartamayan degmooyinka dalka.

Waxa uu sheegay in Dalsan ay tahay idaacad mar waliba ka shaqeysa dhiirigelinta waxbarashada iyo kor u qaadida aqoonta,waxa uu intaasi ku daray in tartanka waqtiyo kale la qabto si aqoonta usii baahdo.

Ugu dambeyn Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka Cismaan Daallo ayaa ka hadlay arrimaha faya dhowrka iyo sameynta caafimaad ee bisha Ramadan lala kulmi karo.

Waxa uu Dalsan ka dalbaday in bulshada loo sameeyo wacyigelin dhinaca caafimaadka gaar ahaan cunada lagu iibiyo wadooyinka oo uu sheegay iney sababi karan xaalado caafimaad darro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor