Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Xalane waxaa Maanta ka furmay shir looga hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya,waxaana furay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Shirkaas,waxaa ka qeyb galaya Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, ganacsato iyo wakiilo caalami ah,waxaana soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Ummadda Soomaaliyeed,waxana uu bogaadiyay Dowladda Turkiga oo ka mid ah wadamada maalgashiga ka sameeyay Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiirka ayaa ku baaqay in cid walba oo daneyneysa maalgashi la soo dhaweynayo,isla markaana uu ugu baaqayo inay dalkaan maalgashadaan.