Wariye C/maalik Coldoon oo maanta lagu maxkamdeynayo magaalada Hargeysa.

Wariye Cabdimaalik Muuse coldoon oo ku xirnaa mudooyinkan magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu wadaa in lagu maxkamdeeyo magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland si loo qaado kiiska dacwada ee loo heesto wariyahaas.

Waxaa maanta markale lagu wadaa in la horkeeno maxkamadda taasi oo shalay lagu waday in la horkeeyo balse ay Baaqatay markii codsi uu kayimid wariye Coldoon oo dalbaday in dib loogu dhigo arinta maxkamadda.

Maalmihii aanu soo dhaafnay Cabdimaalik ayaa ku xirnaa magaalada Hargeysa waxaana maamulka soomaaliland uu ku eedeeyey  qaran dumis iyo inuu waday arimo ka dhan ah jiritaanka Soomaaliland.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media