Wararka naga soo gaarayo Degmadda Cadale ee Gobalka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan inay dagaalo ka soo cusboonaadeen dhowr Tuullo oo hoos taga Degmadaasi.
Maleeshiyadda labo beel oo wada deggan Cadale ayaa la sheegay inay dirirtu u dhexeyso, waxaana socda dadaal lagu doonayo in lagu joojiyo dirirtaasi oo socotay dhowr maalmood.
Goobjoogayaal ku sugan Tuulladda Koogaar ee duleedka Cadale ayaa sheegay inay 10 qof ku geeriyootay iska horimaad ilaa xalay ka socday Tuulladaasi.
Wararku waxay kaloo sheegayaan in Maleeshiyadda soo weerartay Tuulladaasi ay dab qabadsiiyeen inta badan guryihii ku yiillay Tuulladaasi, marka laga reebo Masjidka Tuulladda oo uusan dagaalku saamaynin.
Dhinaca kale, Taliyaha Taliska Ciiddanka DFS ee Dhulka Deexda, Kolonel Qoondhe ayaa u sheegay Radio Dalsan inay socdaan dadaal ay ku joojinayaan dagaalladda ka socda Tuullooyinka ka tirsan Degmadda Cadale.
Waxa uu tilmaamay inay Ciiddamo xooggan oo wata 16 Tekniko u dhaqaaqi doonaan Tuullooyinka, si loo joojiyo Dirirta u dhexeysa Dadka Walaalaha.
Taliyaha Taliska Ciiddanka DFS ee Dhulka Deexda, Kolonel Qoondhe waxa uu ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Reer Cadale inay ka wada shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa Colaadda, iyo sidii la isugu imaan lahaa Madal Nabadeed oo lagu xalinayo Colaadaasi.
©Radio Dalsan