Wariye Caan ah oo is daldalay

Saxufiga Joseph Mochere oo ahaa maadeeye ka shaqeynayay idaacada Egesa FM oo Nairobi ku taala ayaa is dal dalay
Geeridiisa aaa wax saxaafada u xaqiijey Nancy Kwamboka Omweri oo ah madaxa Idaacadda uu ka shaqeynayay Wariyaha.
“Mr Joseph Mochere Atandi wuxuu ahaa maadeeye Ilaahey ha u naxariisto ” ayuu yiri Nancy Kwamboka oo ka hadlayay geerida saaxiibkiisa Shaqada.
Egesa FM ayaa waxey ku hadashaa Afka qowmiyadda Kisii, waxeyna ka tirsan tahay Shirkadda Warbaahinta Royal Media oo ay ka tirsan yihiin Warbaahin Caan ah .
Ma jirin wax isku buuq ah oo ka muuqanayay suxufigaasi marka uu shaqada joogay sida ay sheegeen Saaxiibadii.
Guddoomiyaha Ismaamulka Kisii ee Kenya  James Ongwae ayaa tacsi u diray qoyska uu ka baxay weriyahaasi iyo xaruntii warbaahineed uu ka tirsanaa .
Qaar kamid ah taageerayaashiisa ayaa baraha bulshada ku faafiyay fariimo ay ku muujinayaan iney ka xunyihiin geeridiisa islamarkaana ay tebi doonaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor