Iyada oo Caawa Muqdisho lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dilkaas haatan ka soo baxaya faah faahino dheeraad ah.
Mid ka mid ah Caruurta Xildhibaanad Ruqiyo Abshir Nuur Gabbane oo Caawa lagu dilay Muqdisho ayaa Wareysi uu siiyay Radio Dalsan waxa uu u faah faahiyey qaabka dilka uu u dhacay.
Wareysi uu siiyay Dalsan Cabaas Cabdiraxmaan Kooli ayuu sheegay in hooyadiis ay Kooxaha dilay oo ku hubeysnaa bustoolado ay hoygeeda ugu tageen kuna dileen,isla markaana ay goobta ka baxsadeen.
Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Hooyadiis Marxuumad Ruqiyo Abshir ay ka mid aheyd dadka Xaafada Maana Booliyo ee degmada Shibis markii laga soo tago xildhibaanimada ay sidoo kale is tirsaneyd ururrada u dhaq dhaqaaqa Bulshada Rayidka.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in hooyadiis ay aqoon ahaan ay aheyd qof dhisan oo waxbaratay balse Caawa gacan ka xaqdaran ay dishay,waxa uuna sheegay in ilaa 7 Caruur ah ay ifka kaga tagtay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.