Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Talyaaniga ayaa soo bandhigtay Tiro-koobka Tahriibayaasha sannadkan soo galay dalkaasi, waxayna kala yihiin:
- Kaalinta 1-aad dalka Gini (3,168 qof).
- Kaalinta 2-aad dalka Nigeria (3,159 qof)
- Kaalinta 3-aad dalka Bangaladesh (2,831 qof)
- Kaalinta 4-aad dalka Ivory Coast (2,527 qof)
- Kaalinta 5-aad dalka Gambia (2,232 qof)
- Kaalinta 6-aad dalka Senigal (1,739 qof)
- Kaalinta 7-aad dalka Morocco (1,739 qof)
- Kaalinta 8-aad dalka Maali (1,141 qof)
- Kaalinta 9-aad dalka Somalia (634 qof)
- Kaalinta 10-aad dalka Eritrea (577 qof)
Dhinaca kale, Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka (IOM) ayaa soo bandhigtay Tirada Tahriibayaasha sannadkan gaaray Xeebaha Europe iyo kuwa ku haftay Badda Mediterranean-ka.
Warbixinta IOM ayaa lagu sheegay in 42,974 Tahriibayaal ah galeen Qaaradda Europe tn iyo bishii April 19-dii ee sannadkan, iyadoo in ka badan 80% Tahriibyshaasi gaareen dalka Talyaanig, halka 20% tageen dalalka Spain iyo Greece.
Afhayeenka Hay’adda IOM u jooga magaalladda Rome, Flvio Di Giacomo ayaa sheegay inay 36,703 Tahriibayaal ah dhinaca Badda ka soo galeen Talyaaniga.
IOM waxay kaloo sheegtay inay 962 Tahriibayaal ah ku geeriyoodeen Badda Mediterranean-ka muddadii u dhexeysay 1-dii January ilaa bishii April 19-dii ee sannadkan, kuwaasi oo doonyo kaga soo socdaalay Xeebaha dalka Libya.
Bishii January 14-dii ee sannadkan, ku-dhawaad 100 Tahriibayaal ayaa ku haftay Badda Mediterranean-ka, kadib, markii ay dooni kula degtay inta u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga oo 50-KM isku jira.
©Radio Dalsan