Warbixin: DHAGEYSO:- Waa sidee Nolosha dadka ka soo barakacay Abaarta ee yimid Muqdisho ?

Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku teedsan in dhawaanahan waxaa soo gaarayey dad badan oo ka soo hayaamay Abaarta ka jirta qeybo kamid ah Dalka.

Dadkaasi ayaa soo maciin biday Muqdisho, si ay u helaan Nolol dhaanta tii ay hore ugu noolaayeen,waxaana dadkaasi ka muuqata dhibaato dhinaca Nolosha,iyagoo si dhib badan ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wariyaha Radio Dalsan Cabdinaasir Socdaal ayaa tagay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Tareedisho,halkaas oo maamihii la  soo dhaafay ay soo gaarayeen dad ka soo tagay deegaanadii ay ku noolaayeen ee dalka ,markii ay waayeen wax ay Cunaan ama ay Cabaan

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixinta.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media