Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug gaar ahaan deegano ku dhow degmada xarar-dheere ee gobolkaas ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Al-shabaab Biyo dhaamin u sameeyeen dadka dagan nawaaxiga Xarar-dheere oo ay saameysay Abaarta.
Al-shabaab ayaa bilaabay inay u gurmadaan dadka ku sugan deegaanada ay gacanta ku hayaan ee gobolka Mudug,waxaana maanta Biyo dhaamin ay ka sameeyeen deegaanada Dumaaye iyo Jowle oo ku yaala koonfurta Mudug, gudoomiyaha Alshabaab ee gobolkaas, Skeikh Abuu Cadnaan ayaa sheegay in Toolooyin badan oo kamid ah gobolkaas ay ka sameeyeen Biyo dhaamin,si loogu gurmado dadka ay saameysay Abaarta.
Halkaan hoose ka Daawo Sawirad.