Wasiirka Arrimaha Qoyska ee dalka Turkiga oo lagu xiray Holland.

Maamulayaasha dalka Holland ayaa sheegay inay xireen Wasiiradaasi oo lagu magacaabo Fatma Betul Sayan Kaya, kana hor joogsadeen Khudbad ay ka jeedin lahayd Dibadbax ka dhici lahaa magaalladda Roterdam oo  lagu taageerayey Madaxweynaha Turkiga.

Labo Warbaahin oo laga leeyahay dalka Holland ayaa sheegay inay Wasiirada Arrimaha Qoyska ee Turkiga dhinaca dhulka ka soo gashay dhinaca dalka Jarmalka, kadib, marki iay Dowladda Holland shalay u diideen Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga inuu soo galo dalkaasi.

Idaacadda RTL ayaa sheegtay in Fatma Betul Sayan Kaya lagu tilmaamay  mid aan laga jeclayn Holland, Waxaana dib loogu celin doonaa dalka Jarmalka.

Xiisadda Diplomaasiyadeed ee Dowladaha Turkiga iyo Holland ayaa kacsan, wuxuuna Madaxweyne Erdogan mamnuucay inay Diyaaradaha Holland soo maraan Hawada Turkiga.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media