Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Ismiidaamin ah oo waaberigii hore ee saakay lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.
Weerarka ayaa waxaa uu marka hore ka bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay afaafka hore ee Saldhiga Ciidamada, waxaana intaas kadib rasaas farabadan furay Ciidankii halkaas ku sugnaa.
Jugta qaraxa ayaa siweyn looga maqlay deegaanada Bacaadweyn, isla markaana waxaa weerarka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga ee joogay, halka uu qaraxu ka dhacay.
Ugu yaraan saddex Askari ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka saddex kalena kalena oo ka Agdhaweyd goobta ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana la sheegay in loo qaaday Xarun Caafimaad, waxaana burburay goobta uu qaraxu ka dhacay.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 21aad ayaa sheegay in Ciidanka ku sugnaa saldhigaas ay ka hortageen weerarka, isla markaana uu jiro Khasaaro, ayna degan tahay xaaladda.
Weli ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaas saakay ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, hayeeshee weerarada noocaan oo kale ee lagu qaado Saldhigyada Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa sheegta Al-shabaab.