Ciidanka Danab qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Galmudug ku qabtay gaari nooca Soomaalida u taqaano NOAH, kaasi oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo ninkii waday.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo ay uga hadlayaan Gaariga qaraxa ah ee la qabtay, In kastoo la sheegayo inay wadaan baaritaano kala duwan.
CiIdanka Dowladda ee ka howlgala Gobalka mudug ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday howl galo ka dhan ah Al-shabaab iyo sugida amniga, iyagoona dhawaan howlgal halkaas laga sameeyay lagu qabtay dad badan oo xiriir la leh Shabaab.
Dhinaca Weerar xoogan ayaa waaberigii hore ee saakay waxaa lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.
Weerarka ayaa waxaa uu marka hore ka bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay afaafka hore ee Saldhiga Ciidamada, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan saddex Askari ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka saddex kalena kalena oo ka Agdhaweyd goobta ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana la sheegay in loo qaaday Xarun Caafimaad, waxaana burburay goobta uu qaraxu ka dhacay.