Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Xarunta maamulka deegaanka Garas-Baaley ee ku taalla duleedka Magaalada Muqdisho.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in kooxda weerarka soo qaaday iyo Ciidamo ilaalo ka ahaa Xarunta uu dhexmaray dagaal kooban oo muddo socday wallo markii uu istaagay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray Xarunta weerarka lagu qaaday oo ku taalla dhabarka dambe ee Jaamacadda Shabeelle,kuwaasi oo gurmad u sameeyay Ciidanka ku sugnaa xaruntaas.
Ugu yaraan laba ruux ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dagaalkii halkaasi ka dhacay,kuwaasi oo la geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaad ee Magalada Muqdisho.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan weerarkii xalay ka dhacay Xarunta maamulka deegaanka Garas-Baaley ee ku taalla duleedka Magaalada Muqdisho,isla markaana ma jirto weli cid sheegatay Mas’uuliyada weearkaas.