Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika aya kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ka qeyb gelaysa Shirkaas
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan qaas ah la qaatay dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin,iyaga oo ka wada hadlay arrimo la xiruiira wada shaqeynta labada dal xiriirka arrimaha dibadda Ganacsiga iyo kaalmooyinka arrimaha hormarinta.
Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo Goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalkeena.