Wararkii ugu dambeeyay Kooxo hubeysan oo qof Shacab ah ku dilay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo xalay gudaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Nin Shacab ahaa.

Dad goobjoogayaal ah oo hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in dilkan uu ka dhacay Nawaaxiga Jaamacadda Gaheyr ee ku taalla Degmada Hodan,isla markaana rag hubeysan dhowr xadadood ay uga dhufteen qeybaha sare ee jirka Ninka Shacabka ahaa,kaasi oo xiliga la dilaayay ku sugnaa halkaas.

Sdioo kale waxaa la sheegay in kooxihii ka dambeeyay falkaasi ay ku baxsadeen luuq yar oo ka agdhawaa goobta uu dilka ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgalo ka sameeyay qeyb kamid ah degmada Hodan,kaasi oo lagu raadinaayo ragii fuliyay dilka loo geystay Ninka la sheegay in uu ahaa Shacab,hayeeshee weli laguma guuleysan in gacanta lagu soo dhigo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo batay dilalka qorsheysan oo loo geysanaayo Ciidamada dowlada iyo dadka Shacabka ah,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media