RW ku-xigeenka dalka “Somalia waxaa ay sameysay horumar dhinacyo badan sanadihii u dambeeyay”

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane  Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa si rasmi ah u furay Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada  Muqdisho.

Shirka oo socon doona muddo laba cisho ah waxaa looga hadlayaa arimo ay ka mid yihiin Siyaasadda,Dhaqaalaha iyo arimaha Bulshada,iyadoo ay ka qeybgalayaan  wakiillo ka kala socda in ka badan 50 dal,Safiirro iyo shirkado ganacsi oo caalami ah.

Shirkan waxaa khudbado ka jeediyay madax sare, safiirro iyo wakiillada qaar ka mid dalalka ka qeyb galaya, waxa ayna isla qireen in Soomaaliya sameysay horumar dhinacyo badan sanadihii u dambeeyay.

Shirka Madasha Iskaashiga,waa markii ugu horeysay ee lagu qabto magaalada Muqdisho,ka dib markii dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku guuleysatay dhameystirka adeegyada lagama maarmaanka u ah qabsomidda shirkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media