Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Is-miidaamin ah oo Maanta ka dhacay xaafadda macalin Nuur ee degmada Dharkeenley oo u dhow Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa siweyn loo maqlay.
Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa mid uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana waxaa uu isku qarxiyay dad farabadan dhex-dooda oo ku sugnaa Busteejo laga raaco gaadiidka aada degmada Afgooye.
Dad ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad ku sugnaa goobta oo lagu iibinayay kalluun iyo qudaar.
Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday qaraxa Is-miidaaminta, halka 8 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad, waxaana inta badan dadka waxyeelada soo gaartay ay saarnayeen gaari nooca Hoomeyda loo yaqaano.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray aaga uu qaraxu ka dhacay, iyagoona xiray halkaas, isla markaana ka sameeyay baaritaano ku aadan sida uu u dhacay qaraxa oo jugtiisa laga malqay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku saabsan qaraxii khasaaraha geystay ee Maanta ka dhacay xaafadda macalin Nuur ee degmada Dharkeenley oo u dhow Isgoyska Ex-koontarool Afgooye.