Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhoob ee gobolka Sanaag

Xaladda deegaanka Dhoob ee gobolka Sanaag ayaa degan kadib markii shalay uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay jabhad uu hogaamiyo sargaal horay uga soo goostay Somaliland iyo ciidamo taabacsan maamulkaas.

Dagaalka ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay deegaanka Dhoob oo qiyaastii 45 KM dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag,waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaare is kugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Jabhadda uu hogamiyo Korneel Caare ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland oo halkaas ku sugnaa,iyada oo sargaalkaan uu horay uga soo goostay Somaliland.

Comments
Loading...