Warar la isla dhex marayay saacadihii la soo dhafay qaarkoodna lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa lagu in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle in ay wadaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo gudoomiyaha baarlamaanka Sheikh Cusmaan Barre Maxamed.
Xildhibaanada qaarkood ayaa la sheegay in ay kulamo ku yeesheen magaalada Jowhar isla markaana ay soo hadal qaadeen siyaasadda calowsan eek a jirta deegaanada maamulkaas iyo sida looga gudbikaro,waxaana qaarkood la sheegay in ay soo jeedideen in dhibaatadu ay ka socoto dhinaca madaxtooyada loona baahanyahay in la saxo.
Dhinaca kalana xildhibaano kale oo ka war helay kulamaadaas ayaa iyaguna la sheegay in ay shir siyaasadeed ay ku yeesheen deegaano ka tirsan maamulkaas isla markaana ay soo jeediyeen mooshin laga gudbiyo gudoomiyaha baarlamaanka Sheikh Cusmaan Barre Maxamed.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino arrintaan waxa ay sheegeen in ay jiraan kulamo ay yeesheen xildhibaano iska soo hor jeeda hase’ahaatee aysan si sax ah u xaqiijin karin in uu jiro Mooshin laga diyaariyay madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka.
Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka Sheikh Cusmaan Barre Maxamed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ku sugnaayeen magaalada Beledweyne halkaas oo ay ka wadeen kulamo siyaasadeed oo xal loogu raadinayay khilaafka ka taagan dhimaha maamulka gobalka Hiiraan kadib markii gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed uu ka soo hor jeestay xilka qaadis lagu sameeyay iyo in uu xilka wareejiyo.