• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, May 12, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay Dagaaladii Cuslaa ee ka dhacay Magaalada Guriceel

Dalsan Editor by Dalsan Editor
October 24, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 2 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa saakay xaalad deganaansho ah oo aan cago badan ku taagneyn laga dareemayaa Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo shalay ilaa xalay ay ku dagaalameen Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca.

Dad ku sugan Guriceel oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in saaka xaaladda ay tahay mid degan, in kastoo dhinacyada dagaalamay ay isku hor-fadhiyaan gudaha Magaalada, ayna ku kala sugan yihiin goobihii galabka ugu dhacay xalay, waxaana labada dhinac ay saacadihii lasoo kala heleen gurmadyo Ciidan oo u kala yimid.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ayaa dhacay gelinkii dambe ee shalay, kadib markii Ciidanka Ahlusunna oo laga qabsaday Xarunta degmada Guriceel iyo Saldhiga Booliska ay dagaal rogaal celin ah ay soo qaadeen Magaalada, iyagoona ku qabsaday Xarumihii marka hore Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug kala wareegeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac ayaa ka dhashay dagaaladii dhacay, waxaana la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen in ka badan 25 ruux oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan, Askar iyo dad shacab ah oo rasaas haleeshay.

Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa ku jira Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Cabdiladiif Feyfle iyo Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca, waxaana ku dhaawacmay afartameeyo qof oo Xarumo Caafimaad la geeyay, si loogu daaweyo.

Xaaladda ayaa haatan degan, balse warar la helayo ayaa sheegaya in mar kale laga casbi qabo Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca uu dhexmaro dagaal qaraar, iyagoona weli is hor-fadhiya, mana jirto cid kala dhex gashay.

Previous Post

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan

Next Post

Wararkii ugu dambeeyay Dad ku dhintay Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Kampala

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
Warar

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

May 12, 2025
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
Warar

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

May 12, 2025
Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
Caalamka

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

May 12, 2025
Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD
Warar

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

May 12, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka
Warar

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

May 12, 2025
Next Post

Wararkii ugu dambeeyay Dad ku dhintay Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Kampala

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Dadka Soomaaliyeed badankood ma isticmalan fiitamiinnada  sabab la xariira  in aysan helin wacyi gelin ku filan oo ku saabsan  muhiimada...

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Kooxda Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay sii deyn doonto Edan Alexander, oo ah maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah, iyada oo tallaabadan lagu...

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Kalfadhiga lixaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisa 11-aad, iyadoo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane...

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
Warar

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
Warar

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
Caalamka

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD
Warar

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences
English News

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?
  • Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
  • Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
  • Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00