Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa waxaa sheegayaa in saakay halkaasi ay ka soo dhaq-dhaqaaqeen Ciidamo aad u hubeysan oo wata gaadiidka nooca dagaalka ah,isla markaana kusii jeeda Magaalada Dhuusamareeb ee Caadimadda dowlad Gobolka Galmudug.
Ciidamada ayaa waxaa la sheegayaan in taabacsan yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle uuna isaga ugu yeeray inay yimaan Dhuusamareeb,kuwaasi oo horey u soo maray deegaano duleedka ka ah Magaalada Cadaado.
Ujeedka Ciidamada ka soo baxay Gobolka Mudug ayaa waxaa uu yahay in Madaxweyne Xaaf ay ka soo wadaan Magaalada Dhuusamareeb uu haatan ku sugan yahay,isla markaana ay u soo galbiyaan dhanka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa Dhuusamareeb gaaray Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,isagoo halkaasi xalay kula kulmay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Shiikh Xasan,iyagoona ka wada hadlay arrimaha Doorashada Galmudug iyo sidii ay ku dhici laheyd.