Shan qof ayaa ku geeriyootay, 23 kalena wey ku dhaawacmeen Bas shalay ku qalibmay Ismaamulka Soomaalida ee Bariga Ethiopia.
Taliyaha Ciiddanka Boliska Waddooyinka ee Is-maamulkaasi, Axmed Nuur oo la hadlay Warbaahinta FANA ee magaalladda Addis Abeba ayaa sheegay in Dareewalka Baska uu xakamayn kari waayey Baska oo uu si xawli ah ku waday.
Dadka ku dhaawacmay shilkaasi ayaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawacyo culus, waxaana la dhigay Isbitaalka Guud ee magaalladda Jigjiga.
Baska qlaibmay waxaa saarnaa 28 qof, oo 5 ka mid ah geeriyootay, halka 23 kalena soo gaareen dhaawacyo u badan jajab.
Dalka Ethiopia waxa uu ka mid yahay dalalka Calaamka ee ay shilalka gaadiidka caadi ka yihiin, waxaana taasi ugu wacan Khibrad-xumida Dareewalladda iyo Waddooyinka oo uu burbur ka muuqdo iyo Sharciga Xoojinta Ammaanka Waddooyinka oo aad u liita.
Bishii July 7-dii ee saannadkii hore ee 2018-kii, shilalka gaadiidka ee ka dhacay dalka Ethiopia waxaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 5,118 qof, sida laga soo xigtay Hay’adda Gaadiidka Federalka ee dalkaasi.