Xukuumadda Federalka oo taageertay dadaalka NUSOJ iyo SIMHA ee difaaca Warbaahinta Saxda ah.

DFSMd. Garaad Salaad Xersi oo ah La-taliyaha Ra’isul-wasaaraha Somalia ee Arrimaha Saxaafadda, ayaa sheegay inay Xukuumadda si diiran u soo dhaweynayso Warka Qoraalka ee ay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Dalladda Warbaahinadda Madaxa-bannaan ee SIMHA ka soo saareen Shaqsiyaadka huwan magaca Saxaafadda ee aflagaadada iyo Been-abuurka u geysta Madaxda iyo Dadka Soomaaliyeed.

La-taliyaha oo ah Saxafi Rug-caddaa oo la hadlay Idaacadda Radio Dalsan waxa uu tilmaamay inay Xukuumadda Federalka mabda’ ahaan taageersan tahay nuxurka Qoraalka Wadajirka ee NUSOJ iyo SIMHA.

“Anigoo  ku hadlayo magaca Ra’isul-wasaaraha waxaan u digaynaa Qas-wadayaasha Saxaafadda ee joogtadda ka dhigtay inay baahiyaan Qoraallo been abuur ah oo lagu waxyeeleynayo Sharafta guud ahaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan, Siyaasiyiinta, Ganacsatadda iyo Shirkadaha Xawaaladaha” ayuu yiri La-taliyaha oo intaasi ku daray in wax laga xumaado tahay in Saxaafadda laga dhigto qalab loo adeegsado si xun.

La-taliyaha Ra’isul-wasaaraha Somalia ee Arrimaha Saxaafadda, Md. Garaad Salaad Xersi  waxa uu hoosta ka xariiqay inay tallaabo qaanuuni ah ka qaadi doonaan sidii wax looga qaban lahaa Qas-wadayaasha Saxaafadda.

Dhinaca kale, Waxa uu ugu baaqay Suxufiyiinta Soomaaliyeed inay noqdaan kuwo ku shaqeeya Warbaahinta Saxda ah, isla markaana laga fogaado in Saxaafadda laga qabto qalab dadka lagu aflagaadeeyo, lagu argagax-0geliyo ama looga qaato Lacago baad ah.

Tallaabadda Xukuumadda Federalka ku ayiday Qoraalka ay NUSOJ iyo SIMHA shalay soo wada saareen, ayaa yimid, kadib, markii Dowladda Federalka iyo Dowladaha Caalamka loogu baaqay in Tallaabo Adag laga qaado Cumar Faaruuq  Osmaan iyo Daahir Cabdulle Calasow, kuwaasi oo Saxaafadda u adeegsada inay ay ku faafiyaan warar la dhoodhoobay iyo Borbagaanada aan sal iyo baar lahayn.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)ayaa taageeray Baaqa NUSOJ iyo SIMHA,, isla markaana uga digay Cumar Faaruuq  Osmaan iyo Daahir Cabdulle Calasow oo ah Milkiilaha Websaytka Waagacusub.com inay joojiyaan Dacaayadaha ay ku hayaan dadka Soomaalida, gaar ahaan Ganacsatadda Somaliland.

© Radio Dalsan

Garaad Salaad Xersi