Faah faahin: Dab xooggan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Dab xooggan ayaa arroornimadii hore ee saaka oo Axad ah ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybta Cabdalla Shideeye ah Suuqa inta badan lagu iibiyo qalabka Elektrooniga.

Dad ku sugnaa Suuqa oo la hadlay Warbaahinta Dalsan ayaa u sheegay in dabka inta uusan kicin marka hore la maqlay jug, kadibna mar qura laga warhelay dabka oo ka bilowday dhismo ku yaalla Suuqa Cabdalla Shideeye, kaasi oo kusii faafay goobo ganacsi.

Khasaaro hantiyadeed ayaa ka dhashay dabka oo ahaa mid xooggan oo socday dhowr daqiiqo, isla markaana markii dambe waxaa goobta gaaray oo dabka demiyay gaadiidka dab demiska Maamulka Banaadir iyo kuwa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Gubashada suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa marar badan soo laa laabatay, iyadoona sidoo kale ay xusid mudan tahay in dabab kale ay sidaan oo kale uga kaceen Suuqyada Xamar-weyne iyo Suuq-bacaad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor