Kulan dhexmaray saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Biden iyo dhigooda Shiinaha, waa fursaddii ugu horeysay ee fool-ka-fool ah oo lagu cabiro dhaq dhaqaaqa xiriirka labada dal.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, iyo La Taliyaha dhanka Amniga Qaranka, Jake Sullivan, ayaa Alaska kula kulmi doono diblumaasiga ugu sareeya Shiinaha, Yang Jiechi, iyo wasiirka arrimaha dibadda, Wang Yi.
Kahor kulanka, Mr Blinken wuxuu xusay in tani aysan ahayn “istiraatiijiyad wadahadal” mana jirin “hadaf laga leeyahay “.
Sida uu sheegay: “Wax qabadyadan haddii ay tahay in ay raacaan, runti waa in ay ku saleysnaadaan soo jeedinta ah in aan aragno horumar la taaban karo iyo natiijooyin la taaban karo oo ku saabsan arrimaha naga khuseeya Shiinaha.”