Yuhuudda oo duqeysay agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Dimishiq.

Ilo dhinaca Sirdoonka ayaa sheegay inay Diyaardaha Dagaalka Yuhuudda Waaberigii hore ee saakayto duqeeyeen Dhismo lagu Kaydiyo Hubka oo ku yaalla meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Dimishiq.

Dhismaha la duqeeyey  ayaa la sheegay in lagu kaydiyo  Hubka ay Diyaaradaha Xamuulka ka soo daabulaan dalka Iiraan.

Wasiirka Sirdoonka ee Yuhuudda oo lagu magacaabo Israel Katz  oo haatan ku sugan dalka Maraykanka ayaa xaqiijiyey inay iyaga ka dambeeyeen Duqeynta ka dhacday Caasimadda Syria.

Isagoo la hadlayey Idaacadda Milliteriga Yuhuudda ayaa sheegay inay ka hortageen Hub ay Iiraan si Tahriib ah ku soo geliyaan Syria, loona sii gudbiyo Dagaalyahanadda Xisbullaahi Lubnaan.

Dhinaca kale, Ilo dhinaca Kooxaha ka dagaalama duleedka Dimishiq ayaa sheegay in 5 gantaal lagu dhuftay Bakhaarka Hubka oo ku yaalla duleedka Bari ee magaalladda Dimishiq.

Telefishinka Al-manaar ee Lubnaan ee taabacsan Kooxda Xisbullaahi Lubnaan aaya sheegay inay Diyaaradahaasi duqeeyeen Bakhaar lagu kaydiyo Hubka iyo Haamanka Shidaalka.

Lama soo sheegin dad ay waxyeelo ka so ogaartay Duqeyntaasi.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda duqeeyaan bartilmaameedyo ku yaalla Dimishiq, waxayna bishii January ee sannadkan duqeeyeen Saldhigga Milliteri ee Mezze.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media