Guddoonka golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta loo gudbiyay Mooshin ay ku saxiixanyihiin xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo gaaraya 130 mudane isla markaan ay ku dalbanayeen in gobolka Banaadir matalaad ahaan aqalka sare looga siiyo 13-Senator.
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa dood kulul waxa ay ka leeyihiin xeerka matalaadda gobolka Banaadir iyada oo horay guddiga dhamaystirka sharciga doorashooyinka ay sheegeen in gobolka Banaadir loo qoondeeyay 7-Senator.
Doodda xildhibaanada ayaa salka ku heysa in matalaadda Siyaasadeed ee gobolka laga badiyo 7-xubnoo maadaama ay tahay caasimadda Soomaaliya isla markaana lasiiyo mudnaan sare.
Magaalada Muqdisho ayaa aad looga hadal hayaa matalaadda gobolka Banaadir iyo nooca ay noqon karta iyada oo Siyaasiyiin badan ay ku baaqeen in caasimadda loo hiiliyo golaha shacabka iyo aqalka sarana ay muujiyaan in matalaadda caasimaddu ay noqoto mid u qalanka Canshuurta ay bixiyaan.
Madaxweynaha Soomaaliya maxamed C/llahi Farmaajo ayaa furitaankii kalfadhiga 7-aad ee golaha shacabka iyo aqalka sare kaga dalbaday mudanayaasha labada aqal in ay ka mira dhaliyaan matalaadda gobolka iyo maqaamkeeda maadaama ay tahay caasimadda dalka dowladdana ay saldhig u tahay.