Al-shabaab ayaa sheegtay in weerar loo adeegsaday Madaafiic ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwo kasoo jeeda Uganda oo ku sugnaa Saldhig Ciidan ku yaalla degaan hoostega degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka ayaa ka dhacay Saldhig Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Laantabuuro ee duleedka degmada Afgooye, waxaana la sheegay in gudaha Saldhiga ay ku dhaceen qaar kamid ah madaafiicda ay Al-shabaab ku weerareen halkaas.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka AMISOM ee degaanka Laantabuuro ku dhinteen afar Askari, halka afar kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo xerada loo qaaday diyaarad.
Waxaa ay intaas kusii dareen in Madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen Teendhooyin, isla markaana burburiyey qeybta Isgaarsiinta iyo Caafimaadka saldhigga Laanbuuro ee duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weli ma jiro wax war ah Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMIOSM oo ay uga hadlayaan weerarka khasaaraha dhaliyey ee Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidanka ku leeyihiin degaanka Laantabuuro, mana ahan markii ugu horreeysay oo la weeraro halkaas.