Wafdi Saraakiil Ciidan oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ku wajahan wafdi Saraakiil Ciidan ah oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha Ciidanka  Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage, waxaana safarkiisa Dhuusamareeb ku wehlinaya Taliyaha dhawaan loo magacaabey Qaybta Guud ee Booliska Maamulka Galmudug Gen. Bishaar Abshir geedi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed warsame.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb inuu kulamo kala duwan la qaaato Saraakiisha Ciidanka dowladd Federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu koermeer uu tegi doonaa sida la sheegay xeryaha Ciidamada Dowladda, isagoo halkaas kula kulmi doona Ciidamo ah loo diyaariyay in dhawaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab ay ka bilaaban deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Maanta waxaa laga dareemayaa qabana-qaabada soo dhaweynta wafdiga Saraakiisha Ciidan ee uu hogaaminayo Taliye Odawaa Yuuuf Raage, iyagoona saacadaha soo socda tegaya halkaas.