Madaxweyne jeediyay hadallo la yaab leh oo ku saabsan COVID-19

Madaxweyne John Magufuli , ayaa xilli uu khudbad ka jeedinayay kaniisad ku taala Chato, waqooyi galbeed Tanzania maalintii Axadda ahayd sheegay in wiilkiisa uu ka bogsooday Covid-19 kaddib markii uu isticmaalay liin, sinjibiil uuna sameeyey jimicsi badan.

Balse ma jiraan cadaymo sheegaya in taasi ay tahay daawada coronavirus sida ay dhakhaatiirta sheegeen.

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli, ayaa isla halkaas ka sheegay in tirada kiisaska cudurka corona ee dalkiisa ay hoos u dhaceen kaddib markii ay “Ilaahay baryeen.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay in iskuulada iyo jaamacadaha dib loo furi doono isbuucan.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay qorshe ay dowladdiisa ku qafiifinaysa karantiilka la geliyo dadka dalkiisa soo galaya.

Dalka Tanzania kama jiraan tallaabooyin adag mana saarna xayiraad sida dalalka kale.

Tanzania waxa ay diwaangelisay 509 kiis halka ay cudurka corona u dhinteen dad gaaraya 29 qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media