TOOS: Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo ka socota Muqdisho

Waxaa hadda xarunta Genaraal Kaahiye ka socota doorashada lix kursi oo ka mid ah Kuraasta Aqalka hoose ku matali doona  Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Dhammaan Ergada iyo musharixiinta ayaa ku sugan xarunta,waxaana billaabatay codaynta musharaxiinta, kuwaasi oo kala dooran doona musharixiinta ku tartami doona lixda kursi.

Sidoo kale goobta ay ka dhacayso doorashadu ayaa waxa ku sugan xubno ka kala socda Guddiyada doorashooyinka Gobolada Waqooyi iyo Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Doorashadaan ayaa waxaa ay horudhac u tahay doorashooyinka  Gobolaha shacabka oo si toos ah dhammaan magaalooyinka dowlad Goboleedyada uga billaaban doonto, taasi oo ay socoto qaban qaabada iyo u diyaar garowga.

TOOS: Halkaan ka daawo Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka