Maareeye oo mar kale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Goordhow ka dhacday Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, Magaalada Muqdisho.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP225 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo ah Cabdiraxmaan Warsame Saciid iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo mar kale loo doortay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, isla markaana waxaa uu helay Codad gaaraya 96 Cod.

Musharaxii la tartamay Maareeye oo ahaa Cabdiraxmaan Warsame Saciid ayaa isna helay 3 Cod, waxaana halaabay laba Cod, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada kuraasta kale ee Gobolada Waqooyi ee Golaha Shacabka Maanta dhaceysa ayaa haatan ka bilaabatay Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor