Tirada Soomaalida lagu dilay rabshadaha ka socda Koonfur Afrika oo korortay

Dibadbaxyaal taageersan Madaxweynihii hore ee dalkaasi ee la xiray, Jokob Zuma aya waxay weli  Rabshado, Boob, dilal iyo dhac ka wadaan qeybo ka mid ah dalkaasi.

Xaruumaha Ganacsiga ee magaalladda Johnnesburg ayaa la boobay, iyadoo taayaro lagu gubay jidadka waa weyn ee dalkaasi.

Mdaxweynaha dalkaasi, Sayral Ramafoosa waxa uu xalay Khudbad ka jeediyey Warbaahinta, isagoo ugu baaqay dhamaan Dadka Reer Koonfur Afrika inay si wadajir ah uga  shaqeeyaan Nabadda.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Boliska iyo Milliteriga ka shaqeyn doonaan inay dib u soo celiyaan Amarka iyo Kala Dambaynta.

Madaxweyne Sayral Ramafoosa waxa uu xusay in ugu yaraan 10-qof lagu dilay rabshadaaasi, halka in ka badan 490 oo kalena Xabsiyada la dhigay.

Waxa uu qiray in falalka xasilooni-darada ay u sabab tahay Saboolnimada aadka u sareysa iyo shaqo la’aanta ka jirta dalka Koonfur Afrika.

Dibadbaxyada iyo boobka ka socda dalkaasi waxay  isbuucii hore ka bilowdeen Gobalka KaawaZulu-Natal, kadib, markii ay Maxkamad xukun ku riday Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jokob Zuuma.

Dadka shalay lagu dilay dalkaasi waxaa ka mid ahaa 4 Ganacsato Soomaali ah, kuwaasi oo la dilay, lana boobay goobahooda Ganacsiga.

Dhinaca kale, Suxufiyiin ka kala socday Warbaahinta Koonfur Afrika ee SABC iyo Telefishinka News Room Afrika ee soo tebinayey dhacdooyinka boobka ee ka socda dalkaasi ayaa la sheegay in laga boobay Qalabkii ay wateen.