Muwaadin Somali haysta Dhalashadda Holland oo dad u tashkliilinayey kooxda Daacish oo la xukumay.

Maxkamadda magaalladda Breda ee Koonfurta dalkaasi ayaa waxa la soo taagay Nin Somali-Duchman oo lagu magacaabo Saalim S., kaasi oo lagu soo oogay inuu ku hawlanaa sidii uu 3 Dhallinyarro Magangelyo-doon ah ugu tashkiilin lahaa inay ku biiraan Dagaalka ay Kooxda Daacish ka wadaan dalalka Syria iyo Iraq.

Wargeyska NL Times ayaa qoray in Eedeysanaha uu tashkiilinayey Dhallinyaradaasi Magangelyo-doonka oo ku sugan Degmadda Tilburg, si ay ugu biiraan Halganka Hubeysan ee Kooxda Daacish.

Eedeysanaha ayaa waxay Maxkamadda ku xukuntay Xabsi 18 bilood ah, lamana shaacinin in Dhalashadda Holland (Ductch)-ka lagala laaban doono iyo in kale.

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda Breda waxay sheegtay inay haatan gacanta kula jiraan Baaritaanadda 100 Kiisas oo lala xiriira Argagixisenimo.

©Radio Dalsan                        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor