Taliyaha Ciidamada Itoobiya oo shaaciyay inuu sugayo Amar Weerar

Taliyaha guud ee ciidamada dalka Itoobiya, Birhanu Jula ayaa sheegay in uu sugayo oo kali ah amarada madaxda ka sareysa si mar kale guluf dagaal loogu qaado gobolka Tigrey.

Taliyaha ayaa la hadlayay wakaalada wararka ee dowladda Itoobiya.

Haalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli hay’adda cunada aduunka ee WFP ay sheegtay in kolanyo gargaar siday lagu weeraray axaddii meel 115 KM u jirta magaalada Semera, ee caasimada gobolka Canfarta.

Hay’adda ayaa sheegtay in saraakiishooda ku sugan Itoobiya ay ka shaqeynayaan sidii loo ogaan lahaa cidda weerarkaasi ka dambeysay.

Xiisadda ayaa aad u kacsan dalka Itoobiya xill ay dowladda dalkaasi ay waddo abaabulka ciidamo la dagaalama xoogagga gobolka Tigrey.