Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo soo dhaweeyey Maamulka Cusub ee la wareegay Talada Suudaan

Dowladda Sacuudiga waxay sheegtay inay taageersan tahay Golaha la wareegay talada dalkaasi, isla markaana ay u soo diri doonaan Gargaar degdeg ah.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA  waxay shegetay inuu Boqorka Sacuudiga, ahna Qaadumka Labada Xaram ee Shariifaynka, Boqor Salmaan Bin C/casiis inuu bixiyey qaabka loo taageeri doono Sacuudiga, isagoo sheegay inay Suudaan u diri doonaan Gargaar Degdeg ah o oay ku jiraan Shidaal, Qamadi iyo Daawooyin.

Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta waxay sheegtay inay soo dhaweynayaan Madaxa Cusub ee Golaha Milliteriga ee la wareegay Talada dalka Suudaan, isla markaana  ay Taageero Aadminimo gaarsiin doonaan Shacabka Suudaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media