Dadweyne farabadan oo ka kala yimid degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir ayaa Maanta banaabax cabasho ah waxa ay ka dhigeen degmada Shibis ee gobolkan Banaadir.
Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay eedeyn u jeedinayeen Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya,kadib markii ay kahor timid Go’aan lagu burburiyay Xarun Caafimaad oo ku taalla degmada Shibis.
Maamulka degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir ayaa burburiyay Xarunta Caafimaad oo dadka qaba cudurada Qaaxada iyo HIV-ga, ka qaadan jireen dawooyin,waxaana Xaruntaasi la doonayaa in laga dhiso Isbitaal Weyn oo degmada shibis yeelaneyso.
Xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa tallaabada lagu burburiyay ka soo horjeestay Xaruntaas,iyaga oo sheegay in Xarunta Caafimaad bulsho badan loogu adeegi jiray,isla markaana aan la xiri karin sideedii horena ay u shaqeyneyso.
Qaar ka mid ah dadka banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Warbaahinta Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in ay ku qanacsan yihiin burburinta Xarunta Caafimaad ee degmada Shibis si loogu dhiso Isbitaal weyn oo baahidooda dabooli kara.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Banaanbaxayaasha.