RW Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay mid ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Rooble iyo Musharax madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka wada hadlay sidii doorasho nabdoon oo daah furan dalka uga dhici lahayd.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa balan qaaday in ay dalka ka dhaceyso doorasho la isla ogol yahay oo jawi nabdoon ku dhacda.

Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa horay kulamo kala duwan ula qaatay qaar ka mid ah madaxda  maamul Goboleedyada, waxaana waxyaabihii uu kala hadlay ay quseeyeen doorashada dhawaan dalka ka dhici doonta.