Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta shaaca ka qaaday in lagu dhawaaqi doono Xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin Madaxda ugu sarreysa ee hataan heysa talada dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka hadlaayay Munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in uu soo socdo Xisbiga weyn ee Madaxda dowladda dowladda, kaasi oo kamid noqonaya Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.
Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa ka hadlay arrimaha Doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo Sanadka 2021-ka, isla markaana waxaa uu tilmaamay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay qabsoomida doorasho ku dhacda si xor iyo xalaal ah.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhameestiri doono sharciga doorashada iyo xisbiyada.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa tilmaamay in Dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan horumarka dalka, isla markaana iska iloowan wixii horay u dhacay.