Madaxweynaha Soomaaliya oo booqanaya dhawacyada maanta la geyay isbitaalada magalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa caawa in uu booqdo dadkii ku dhawacmay qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Kaawa godey ee degmada Wadajir kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac.

Ilo wareedyo ku dhow madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dalsan u xaqiijiyay in madaxweynuhuu uu caawa booqanaya bukaana ku waxyeeloobay qaraxa ka dhacay degmada Wadajir.

Waxaa si aada loo adkeyay amanka  wadooyinka amaanka gala isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho iyada oo wadooyinka qaarna laga xanibay gaadiidka.

Duhurnimadii maanta ayaa Isgooyska Kawo godeey waxa ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari kaas oo sababay dhimashada dad ka badan 35-qof iyo dhaawaca 50 kale oo u badnaa dadkii ku ganacsanayayb goobta uu qaraxu ka dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media