Saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ka da’ay Roob xooggan oo muddo socday, kuwaasi oo dadka iyo duunyad ay si weyn ugu diirsadeen.
Gugaca Roobka ayaa si weyn looga wada maqlayay Xaafadaha Magaalada Muqdisho iyo deegaanno badan oo dhaca duleedka Magaalada, waana Roobka uu ahaa mid siweyn loo wada sugayay.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho laga dareemayay Kuleyl aad u daran , hayeeshee saaka Jawiga Mgaalada waa mid qaboow ah, waxaana Wadooyinka qaar dhex fadhiya Biyaha Roobkii xalay ka da’ay Caasimadda.
Qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ah kuwa xiran kadib markii ay biyaha xareedda fadhiisteen, waxaana halkaas maristooda dhib ku qaba gaadiidka Mooto Bajaajta iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Si kastaba deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka curtay Roobabka Gu’ga, waxaana ku diirsaday dadka iyi duunyada, iyadoona dadka xoolo dhaqatada ah ay soo sheegayaan inay Barwaaqo la helay.