Xubin ka tirsan guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo geeriyooday

Alle ha u naxriistee waxaa magaalada Baydhabo ku geeriyooday Marxuum Buukaay Cali Aadan oo ka tirsanaa guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed,kaasi oo xalay ku geeriyooday magaalada Baydhabo.

Marxuumka ayaa in muddo ah ku xanuusanayay magaaladaasi Baydhabo,isagoo marki dambe uu u geeriyooday hanuunka hayay,sida uu Wakalaadda SONNA u xaqiijiyaya Sayid Cali Aadan oo kamid ah mas’uuliyiinta guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxaa geeridiisa ka tacsiyadeeyay mas’uuliyiinta guddigaasi oo uu ugu horeey Ismaaciil Macalin Muuse guddoomiyaha guddiga,C/risaaq Ibraahim Axmed,kuxigeenka dhamaan xubnaha guddiga iyo shaqaalaha guddiga,iyagoo eebe uga baryaya in uu janadii Fardowsa uu ka waraabiyo.

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa dowr muuqda ku leh arrimaha la xiriira dib u heshiisinta dalka,si looga gudbo dhibaatooyinkii kaladuwanaa ee soo maray dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor