Rag hubeysan oo lagu qabtay Isgoys ku yaalla Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa barqanimadii Maanta waxaa ay rag hubeysan ku qabteen meel aan sidaas uga fogeyn Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Ragga hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah la qabtay xili ay marayeen Nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha, isla markaana lagu amray inay kasoo degaan gaariga, hayeeshee ay iska diideen.

Intaas kadib Ciidanka Booliska ayaa waxaa la sheegay inay rasaas ku fureen ragga , sidaasina lagu dhaawacay , waxaana goobta uu falka gaaray Saraakiil ka tirsan Booliska dowladda.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan falkaas Maanta ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha ee Muqdisho.