Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Shacab aad u badan ayaa Maanta tegay Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, iyagoo sagootiyey Cutubyadii ugu dambeeyay Ciidamada AMISOM oo ka baxay garoonka.
Shacabka ayaa ku damaashaaday qeybaha kala duwan ee garoonka oo Waayihii dambe ay gacanta ku hayeen Ciidanka Nabad galyada Midowga Afrika AMISOM oo shalay ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Maanta Garoonka tagtay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bahsiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiil kale.
Qaar ka mid ah Shacabka oo la hadlay Warbaahinta ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ay ka baxaan ciidamada AMISOM, iyagoo sheegay in garoonkan uu aad u weyn yahay isla markaana looga faa’iideysan karo qeybaha kala duwan ee Ciyaaraha.
Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Dowlada ay diyaar u tahay dayactirka iyo soo celinta bilicdii uu lahaa garoonkan
“Dowlada waxay diyaar u tahay dayactirkiisa, bilicdiisa iyo dhismahiisa, goordhow waa la howl bilaabayaa, kuligeen waan bishaareysaneynaa, Ciidanka Booliska Jamhuuriyada ayaa la wareegaya si loo sugo amnigiisa iyo Nadaafadiisa”.ayay yiri Khadiijo.
Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kaga mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM in garoonkan dib loogu wareejiyo Shacabka maadaama uu laf dhabar u yahay Ciyaaraha Dalka.