Qoorqoor oo daah furay Shirweynaha Amniga Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedyada Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Amniga Dowladda Galmudug.

Shirka oo ay kasoo qeybgaleen qaar ka mid ah golaha wasiirada oo ay ugu horreyso Wasaaradda Amniga, dhamaan saraakiisha ciidamada Qalabka sida, Gudoomiyaha maxkamada sare iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Shirka oo uu madaxweynuhu si rasmi ah u furay, ayaa socon doona muddo 2 maalmood ah, waxaana diiradda lagu saari doona amniga guud ee Galmudug, amniga doorashooyinka iyo arrimaha garsoorka iyo cadaaladda.